Maxamed Mursal Oo qabiley safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turke

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qabiley safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turke  Mehmet Yilmaz.

Kulan gaar ah oo ay qaateen ayaa waxaa diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka laba dal, Arrimaha doorashooyinka dalka iyo qodobo kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyey dowlada Turkiga kaalmada iyo garab istaaga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya   Mehmet Yilmaz ayaa uga mahad celiyey guddoomiye Mursal soodhaweynta uu u sameeyey,isaga oo sheegay in Dowladda Turkiga ay mar walba garab taagnaan doonto Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horey waxaa uu kala hadlay Arrimaha doorashada Soomaaliya Xubno badan oo ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya.