Maxaxweyne Cali Guudlaawe oo kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa gaaray magaalada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa halkaas kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee ciidamada, Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka iyo Saraakiil kale.

Ujeedka safarka ayaa ahaa sidii howlgallo ka dhan ah Al-shabaab looga billaabi lahaa waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasi xilliyada qaar ay miino kula qaraxdo dadka shacabka ee isticmaala.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidamada Deegaanka iyo Shacabka oo qeyb ka aha taageerda dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab.