Maxay Ahayd Sababtii Uu Sergio Ramos Uga Baxay Qaybtii Labaad Ee Ciyaartii Eibar Oo Socotay Ee Uu Qolka Labiska Ugu Laabtay? Zidane Ayaa Ka Jawaabay.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa intii ay socotay qaybtii labaad ee ciyaartii dhex martay kooxdiisa Real Madrid iyo Eibar ayuu si lama filaan ah garoonka uga baxay waxaana la arkayay isaga oo u jihaystay dhinaca tunnelka qolka labiska waxayna markan ciyaartu maraysay meel xamaasad badan oo barbaro 1-1 ah.

Intii aanu bixin Sergio Ramos ayaa garsooraha la hadlay waxayna ciyaartu maraysay daqiiqadii 73 aad iyada oo waliba Eibar iyo Real Madrid uu mid kastaaba raadinayay goolka guusha laakiin si lama filaan ah Sergio Ramos ayaa waqti badan ugu qaatay dhinaca qolka labiska ee uu u laabtay.

 

Sergio Ramos ayaa ilaa muddo shan daqiiqo ah garoonka ka maqnaa wuxuuna ugu danbayn soo galay ciyaarta iyada oo kooxdiisa Real Madrid ee uu tobanka ciyaartay kaga tagay sii ilaashatay natiijada ciyaarta iyada oo markii danbe uu Cristiano Ronaldo dhaliyay goolka ay Los Blancos guusha ku soo gaadhay.

Markii ay ciyaatu soo dhamaatay ayaa markiiba Zinedine Zidane la waydiiyay sababta keentay in kabtanka kooxdiisa Sergio Ramos uu garoonka ka baxay isaga oo an wax dhaawac ahi soo gaadhay isla markaana ay xaaladu meel adag maraysay.

Zidane Zidane oo qoslaya ayaa arintan kaga jawaabay in Sergio Ramos uu tagay suuliga ama musqusha si uu woxogaa qashin ah iskaga soo saaro, wuxuuna sheegay in uu kadib markii uu soo dhamaystay uu garoonka dib ugu soo laabtay.

Macalinka ree France oo ka mid ah dadka xishoodka badan balse ay qasab ku ahayd inuu ka jawaabo sababta uu Ramos garoonka uga baxay daqiiqadii  73 aad ayaa isaga oo qoslaya yidhi: ” Isagu woxogaa qashin ah ayuu naftiisa ka soo saarayay. Waxaa waajib ku ahayd in uu suuliga ama musqusha uu tago kadib wuu soo laabtay”.

Real Madrid ayaa muddada uu Ramos garoonka ka maqnaa ku sii ciyaaraysay toban ciyaartoy taas oo ayna Eibar wax saamayn natiijo ah sii samayn taas oo haddii ay dhaci lahayd arintan ka dhigi lahayd mid si wayn loo hadal hayn lahaa.