Maxay isku Afgarteen Dowlada Federalka iyo Jubaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kula kulmay madaxda Jubaland. Waxaa la soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee wadahadallo muhiim ah oo horumar laga sameeyay.

Labada dhinac waxay isla garteen in wadatashiyadu sii socdaan oo kulammo dambe la isugu soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi-socodka wada-hadalka.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa wafdiga sagootiyay isagoo adkeeyay in Jubaland ay diyaar u tahay in khilaafaadka lagu xaliyo wadahadal, isla markaana loo midoobo ajandayaasha qaran. Sidoo kale, Jubaland waxay uga mahadcelisay Kenya kaalinteeda nabad-diidka iyo xallinta khilaafaadka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha labada dhinac waxay si gaar ah ugu mahad celiyeen shacabka Jubaland soo dhoweynta diirran iyo dareenka Soomaalinimo ee ay muujiyeen.