Biixi Iimaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka oo kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Dowladda Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern waxa ay kawada hadleen qorshaha cusub ee dib u habaynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha, Horumarinta hannaanka Maamulka Maaliyaddda guud iyo hagaajinta xiriirrada dhaqaalaha.
Sida lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Joachim ayaa ballanqaaday in Dowladdiisa ay ka shaqayn doonno dhaqangelinta qodobada ay kawada hadleen isla markaana ay garab istaag xooggan u muujin doonto horumarinta dhaqaalaha Dalka.
Danjiraha Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern ayaa dhankiisa u mahadceliyay Dowladda Federaalka waxaana uu tilmaamay in dedaallada ay wado in ay ka tarjumayso hamiga ay u hayso hagaajinta dakhliga gudaha iyo in ay guullo muhiim ah ka gaarto sidii sare ay ugu qaadi lahayd lacagaha gudaha ee kabka ah.