Faahfaahino dheeraad ah iyo macluumaad ayaa waxaa laga helayaa wada-hadal foolka fool ah oo ay muddo kadib yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni.
Kulankan oo dhacay intii ay socotay xafladda caleema saarka ee Deni ayaa waxaa diiradda lagu saaray mad-madowga u dhexeeya labada dhinac.
Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khilaaf oo kamid ahaa mas’uuliyiinta tegay Garoowe ayaa xog ka bixiyay kulankaasi, wuxuuna sheegay inuu gaar u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lagu ballamay kulamo kale oo ay yeelanayaan labada dhinac, si loo soo afjaro khilaafka dhexdooda ah.
Waxaa kale oo uu kusii daray in kaliya uu jiro kala aragti duwanaasho, taasina meesha laga saarayo, si loo soo celiyo wada shaqeyntii Muqdisho iyo Garoowe.