Maxay Tahay Sababta Uu Mohamed Salah Uga Farxiyo Kabtanka Manchester City Vicent Kompnay?

Xiddigga Liverpool Mohamed Salah waxa uu sababaa in uu dhoolla caddeeyo kabtanka Manchester City Vicent Kompany.

Taas waxaa keena in Kompany ogyahay heerka ay le’egtahay farxadda ay ka qaadaan Wadanka  Africa ee Egypt guulaha Salah.

Ol’ole cajiib ah ayaa ku soo maray Salah Liverpool isaga oo dhaliyey 43 gool dhammaan tartamada.

Waxa uu ka gacan siiyey kooxda Jurgen Klopp in ay gaaraan fiinaalaha Champions League oo ay Real Madrid kula dheeli doonaan Kiev 26-ka Maajo.

Salah waxa uu ku garaacay Kevin de Bruyne ja’isada ciyaaryahanka ugu wanaagsan Premier League ee PFA Player of The Year.

Walow uu aaminsan yahay Kompany in De Bruyne qudhiisa ahayd in uu ku guuleysto, hadana waxa uu qirsan yahay in Salah noqday Afrikan-kii ugu horreeyey ee qaada abaalmarinta qoraayaasha.

“Sidee ugu diidi kartaa Salah guulaha uu gaaray? Ayuu u sheegay CNN.

“Waa ciyaaryahan Afrkan ah waana mid aan ku faraxsanahay.

“Waxa ay sameeyn ku yeelan doontaa dalkiisa iyo qaaradda oo dhan.”