Maxkamad Go’aan ka Gaartay kiis kii Caaisho Ilyaas

Maxkamada Racfanka Gobolka Nugaal Puntland ayaa saakay markale u fariisatay dacwada kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee sandkaan gudihiisa Magalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug loogu geystay  Caaisho ilyaas Aadan oo aheyd Gabar 12 jir ah.

Saddex Eedeysane oo kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo 34 jira ah, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame 24 jir ah iyo Cabdishakuur Maxamed Dige Shiine oo 43 sano jir ah ayaa saakay ay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Nugaal kiiskii Caaisho ilyaas Aadan Kuraacday xukunkii Hore ay ku riday maxkamadda Darajada Kowaad ee Puntland.

Dacwada kiiskaas kufsiga iyo dilka ah ayaa haatan u gudubtay Maxkamada sare ee Puntland oo Go’aanka ugu dambeeya leh,waxaana xukunkan oo horay loogu riday soo dhaweeyay Shacabka iyo qaar ka mid ah ehelada Gabadha la dilay ee Caaisho ilyaas Aadan.

12-kii bishii May ee sannadkan 2019 ayaa Maxkamadda darjada kowaad ee gobolka Nugaal waxaa ay xukun dil ah ku riday Saddex Ruux oo lagu eedeeyey kufsiga iyo dilka Caaisho ilyaas,hayeeshee racfaan ay ka qaateen  balse Maanta markale dil toogasho lagu xukumay.