Maxkamad ku taala kenya oo xukuntay Rag lagu eedeeyay Shabaabnimo

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inĀ  xukun lagu riday saddex nin oo ay ku heshay iney ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa April 2, 2015-kii.

3 qof ee ay maxkamadda xukunka ku ridday laba ka mid ah waxay maxkamaddu ku xukuntay min 41 sano halka hal qofna ay ku xukuntay madaxaa ha ku furto.

Waxaynu maxkamaddu sheegtay iney seddexdaasi xubnoo yihiin dambiilayaal oo ay ka dambeeyeen weerarki jaamacadda gaarisa loo geystay oo ay ku nafwaayeen 150 qof oo isugu jiray 144 arday ah, 4 ciidamada ammaanka iyo 2 ka mid ah shaqaalaha jaamacadda.

2-dii bishii April 2015, afar nin oo hubaysan ayaa weerar ku qaaday jaamacadda Garissa, iyaga oo si an kala sooc lahayn dadka u tooganayaay.