Maxkamad Kutaala Hargeysa oo 3; sano oo xabsi ah ku xukuntay Naciimo Qorane

Maxkamadda Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa saddex Sano oo xabsi ah ku xukuntay Naciimo Abwaan Qorane oo Billowgii Sanadkan lagu xiray Magaalada Hargeysa.

Maxkamadda Magaalada Hargeysa ayaa Naciimo ku soo oogtay labo dambi oo ay ku sheegtay in ay faafisay dacaayad ka dhan ah Hay’adaha Maamulka Somaliland iyo dambiga 2aad oo ay ku sheegtay in ay dal shisheeye ka sameysay kacdoon liddi ku ah Somaliland.

Mubaarig Cabdi Ismaaciil oo ah garyaqaan ayaa eedahaas ka hor jeediyay Maxkamadda iyada oo Maxkamadduna saddex Sano ku xukuntay Naciimo oo ah Gabar baraha bulshada wax ku qorta.

Maxkamaddu ma sheegin in Xukunka Naciima la iibsan karo ama racfaan laga qaadan karo sida xukunno ay horay u ridday oo kale.

Hay’adaha u dooda xuquuda Aadanaha ayaa dhowr jeer Somaliland ku eedeeyay in ay cabburin ku heyso dadka cabbiraya fakarkooda.

Naciima ayaa Xabsiga Hargeysa ku jirta 67; maalmood ka hor xukunka Maanta ay ku ridday Maxkamadda Magaaladaas ee Maamulka Somaliland.