Maxkamad nin Soomaali ah ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah

Cali Cumar Adeer oo ah nin Soomaali ah ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Ottowa ee dalka Canada waxa ay ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa afduub 2008-dii meel u dhaw Muqdisho loogu geystay gabar Wariye aheyd.

Dacwadda Cali Cumar Adeer ayaa waxa ay socotay in mudo ah marar badan oo Maxkamadda uu ka soo muuqday wuxuu ku adkeystay inuu ahaa turjuman oo keliya, waliba midaasi ay ku qasbeen kooxaha afduubka.

Cadeymo la horgeeyay Maxkamadda oo isugu jiray codad laga duubay xilligii uu wada hadal kula jira hooyada dhashay gabadha wariyaha ah ee Amanda Lindhout iyo kuw kale oo ay keeneen ciidamada aan is muujin ayaa sababtay in lagu xukumo 15 sano oo xabsi ah.

Qaadiga Maxkamadda Sare ee gobolkaasi oo dacwadda qaadayay ayaa sheegay in  Cali Cumar Adeer uu u qalmo xukunka ku dhacay ee 15 sano ah.

Ninkan ayaa waxaa la xiray 2015-kii kadib markii dalka Canada lagu geeyay heshiis been ah oo ku saabsanaa daabacaada buug uu qorsheynayay qoridiisa, balse dadka kala shaqeynayay arrintaasi ay ahaayeen ciidamo qarsoon oo heer federaal ah.

Mudadii uu xirnaa Cali Cumar Adeer ayay Maxkamadu sheegtay in laga jarayo sanadihii lagu xukumay marka uu dhameystana loo soo musaafurin doono Soomaaliya.

Amanda Lindhout oo ah wariye u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay wadanka Australia ayaa afduubnaa 460 maalmood 2008-dii, waxaana Linda markii dambe lagu sii daayay 600,000$ oo ay dhiibeen qoyskeeda.