Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari Puntland ayaa Maanta waxaa la hor-geeyay eedeysanayaal loo heystay Dilkii Boosaaso loogu geystay 11kii Bishaan Ganacsade Salaad Cabdi Cukaash oo Agaasime guud ka ahaa Shirkad Ganacsi oo lagu Magacaabo Horseed.
Ragga dilkaas loo heysto ayaa waxaa Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Bari ay Maanta ku riday xukun dil ah,kuwaas oo ala ah.
1: Cabdi Fitaax Axmed Xasan,Daahir Dalmar Saalax,Farxaan Siciid Yuusuf iyo Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa dhamaantood waxaa lagu xukumay dil toogasho sida uu fadhiga Maxkamada ka sheegay Xeer ilaaliyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari.
Sidoo kale Maxkamada ayaa xuluntay in Eheladiisa loo celiyo mobile ay eedeysanayaasha ka dhaceen Marxuumka ay dileen,sidoo kale in qori AK47 ah oo Afarta dhalinyarada ah lagu soo qabtay loona adeegaday dilka ayaa loo xukumay in lagu abaalmariyo saraakiishii ka dambeeyay in gacanta lagu soodhigo dadkii ka dambeeyay dilka Ganacsadaha.