Khaalid Cali oo 28 jir ah waxaa la soo tagaay Maxkmadda Old Bailey ee magaalladda London, isagoo lagu oogay Fal-dembiyeedyo ay ka mid yihiin inuu Weerar Tooreey ka geysan lahaa meel ku dhow Dhismayaasha Barlamaanka UK ee Westminster ee Waqooyiga London iyo inuu horey u ahaa Bam-sameeye ka tirsanaa Ururka Daalibaan ee dalka Afganistan.
Eedeysanaha oo deggan Edmonton ee Waqooyiga London waxaa kaloo la sheegay inuu diyaarinayey Weerar Argagixiso oo bishii hore ka dhici lahaa dalka Britain.
Eedeysanaha hooyadiis oo u dhalatay dalka Ethiopia ayaa horey Boliska ugu wargelisay Weerarka Tooreyda ee uu Wiilkeeda la maaganaa Barlamaanka UK, wxaayna Boliska qabteen isla xilligaasi, isagoo ku hubeynaa 2 Tooreey oo midiiba dhererkeeda ahaa 3.5 inch.
Hay’adda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI waxay horey u sheegeen inuu Eedeysanuhu yahay Sarkaal Sare oo Ururka Daalibaan ugu qaabilsanaa Samaynta Qaraxyadda.
Khubarada Maraykanka ee baara Faraha waxay caddeeyeen in Eedeysanaha farahiisa ka heleen 37 Miinooyinka dhulka lagu aaso ee I.E.D gudaha dalka Afganistan, ka hor inta uusan Ninkaasi ka soo dhoofin dalka Afganistan.
Bishii October ee sannadkii 2016-kii, Eedeysanaha waxa uu isku dhiibay Qunsuliyadda Britain ee maagaalladda Istanbuul ee dalka Turkiga, isago osheegay inuu ahaa Dalxiise, kana lumay Baasaboorkiisa.
Markii uu ku laabtay London waxaa gacanta ku dhigay Ciiddanka La-dagaalanka Argagixisadda ee joogta Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow, waxayna si idaayeen bishii November ee isla sannadkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London waxay Eedeysane Khaalid Cali shalay ku xukuntay xabsi 40-sanno ah