Maxkamad Xukuntay nin dilay haweeney Somaalidi ah

Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa xukun ku riday nin Masaari ah oo 2016-kii dilay Haweeney Soomaaliyeed oo qaxooti ku aheyd wadankaasi, taasi oo lagu magacaabi jiray Xamda Maxamuud Xasan, heysatana tiro caruur ah.

Gacan ku dhiiglaha dilka geystay ayaa dilka Marxuumada wuxuu u adeegsaday Biyo kulul oo jirkeeda uu ku shubay, kadib markii isaga iyo qoyskiisa ay weerar ku qaadeen gurigeeda, sida ay sheegeen qaar ka tirsan Soomaalida ku dhaqan Masar.

Dacwadda Maxkamadda oo socotay mudo ka badan Laba sano ayaa ugu dambeyn Jabriil Khasaal oo ah ninka dilka geystay waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Todobo sano oo xabsi ah.

Safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii cadaalada loo marsiin lahaa gacan ku dhiiglaha, oo ugu dambeyn Maxkamadda ay xukuntay.

Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid xilli weli dalkaasi ay ku nool yihiin caruurtii ay ka tagtay Hooyo Xamda iyo Aabihii dhalay, kuwaasi oo sugaya inay helaan magdhaw.