Maxkamada Ciidamada Jubaland oo u fariisatay Kiiska Saddex eedaysane..

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa Maanta u fariisatay dhageysiga Kiisas ay eedeysanayaal ka yihiin Sadex eedeysane oo kala ah Wali Cabdi yare dhuubow, Maxamed khadar Cusmaan Cabdullaahi iyo Cabdullaahi Xasan oo ku wada eedeysan la shaqeynta Kooxda khawaarijta oo ay xogaha u gudbin jireen.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa furay Fadhiga Maxkamada asagoo Faah-faahin ka bixiyay kiiska ay Maanta Maxkamada ufadhido.
Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamada ka hor aqriyay kiisaska ay ku eedeysan yihiin 3-da eedeysane ee kala ah Wali Cabdi yare dhuubow, Maxamed khadar Cusmaan iyo cabdullaahi Xasan oo ku wada eedeysan xubin ka noqoshada khawaarijta asaga oo sheegay in eedeysanayaasha qaar kood ay yihiin kuwo xogaha u gudbiya Khawaarijta.
Intaas kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa eedeysanayaasha weydiiyay kiiska uu kusoo oogay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland waxa ay ka qabaan.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, isagoo sheegay in mar kale Maxkamaddu ay fadhi ka yeelan doonto kiiska eedeysanayaasha Maanta Maxkamadda la horkeenay.