Maxkamada Ciidamada oo Xukun ku Riday Nin Dilay…

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadey oo afgarashadiisu ay tahay Cabdiraxmaan, oo dil arxan daran ka geystay magaalada Muqdisho.

Ibraahim ayaa loo haystaa inuu nolosha dhaafiyay marxuumada Khadiijo Siyaad Maxamed oo uu kowdii bishii 1-aad ee sanadkan ku hor dilay gurigeeda oo ku yaalla waaxda Kacaan ee degmada Hodan.

Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab kaga biiray degmadd Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe, tababar gaaban oo dhinaca dilalka qorsheysan ah kadib waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howl-gallo, gaar ahaan kooxda dilalka gaadmada ah fulisa.

Ibraahim  Maadeey ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya naxariisteeda hooyanimmo waxa uu ku dagay inuu u baahan yahay biyo haaraad badanna u hayo, waxaase xigtay uu labo xabadood uu madaxa kaga dhuftay Marxuumad Maamo Khadiijo Siyaad Maxamed.

Allaha u naxariistee maamada ayaa ka shaqeyneysay waaxda nadaafadda ee degmada Hodan, sida ay maxkamadda u sheegtay gabadheeda.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta Ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey dil toogasho oo ah qisaastii Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed.