DHEGEYSO:>Maxkamada Ciidamada Qalabka Qeybteeda gobolka Hiiraan Oo Maanta Xukun Riday

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sada qeybteeda gobolkaHiiraan ayaa Maanta waxa ay xukun kala duwan ku riday rag lagu eedeeyey in ay ku howlanaayeen falal la xiriira burcadnimo.

Raggaan oo gaaraya Saddex eedeysane ayaa Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybteeda gobolka Hiiraan waxa ay ku eedeysay in ay ahaayeen Burcad dhici jirtay dadka shacabka ah.

Guddoomiye kuxigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybteeda gobolka Hiiraan Dhamme Maxamed Cabdulle Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka Raggaas ay Maxkamadu Maanta ku riday.

1:-Yuusuf Xuseen Ibraahim 31 jir ah ina Cabdiyo Axmed Cusmaan

2:-Aadan Cabdullaahi Xasan 25 jira ah ina Xaliimo Xuseen Cabdi,ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay dhaceyn Shacabka saaraan Gaadiidka soo gala iyo kuwa ka baxa Galbeedka  Magalada Baladweyne,waxana lagu xukumay min saddex Sano oo Xabsi ah.

Sidoo kale Maxkamada Ciidamada ayaa xukun ku riday Abuukar Yuusuf Ibraahim oo ah Askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ,kaas oo lagu eedeeyey in uu ka tegay difaacii lagu ogaa,isla markaana dad Shacab ah ay iskhilaafeen kuwaas oo qorigii uu watay ay ka qaadeen dibna ay ugu soo celiyeen taliskii uu ka tirsanaa.

Ugu dambeyn Maxkamada ayaa waxa ay Dable xoogga dalka Soomaaliya Abuukar Yuusuf Ibraahim ku xukuntay 4 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye kuxigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida