Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta Xukun riday

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku riday Xubin ka tirsanaa Daacish-ta Soomaaliya, kaas oo lagu eedeeyay in uu dilal ka geystay Magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho.

Aadan Maxamed Cali oo ah Ninka la xukumay ayaa xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida waxaa ay ku eedeysay in uu ka tirsan yahay Kooxda Daacish,isla markaana uu ka qeyb qaatay dilal loo geystay askar iyo dad Shacab ah oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Boosaaso.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali nuur shuute ayaa sheegay in kadib qiraalka eedeysanaha iyo cadeymo lagu helay ay Maxkamadu ku xukuntay dil toogasho.

Sidoo kale Maxkamada waxaa la horkeenay Cabdishakuur Xaaji Barsanji oo ku eedeysanaa in uu la Shaqeynayay Aadan Maxamed Cali,balse Maxkamadu ay sheegtay in wax dambi ah lagu waayay sidaasina lagu siidaayay.