Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta Xukun Riday

Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka ka soo baxay salaada subax iyo kuwa u sii socday masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.

Dadka degmada ayaa ku war geliyay gudoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxa ayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxa ayna soo qabteen 17-kii bishii Sagaalaad (9) ee sanadkan.

Isla maalintaas ayay u soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada dambi baarista Amniga Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi, waxaana xafiiska xeer ilaalinta weydiistay Garsoorayasha Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii sagaalaad (9) ee sanadkan Baaritaan dheeraad kadib waxa ay soo dhameystireen galdacwadeedka eedeysane Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi waxa ayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa.

Maxkamdda ayaa u fariisatay dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ayna dhageysatay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka u doodayay eedeysanaha, waxaa sidoo kale Maxkamadda lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhacca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda.