Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukan riday

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab,kuwaasi oo horey u dilay nabadoon Caan ka haa magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu eedeeyey C/raxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan in ay horey degmada Wadajir ugu dileen Hilowle Xeefow Xuseen,oo kamid ahaa nabadoona caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan.

Horey ayaa waxaa ay maxakamaddu ugu ridday labadan qof xukun dil toogasho ah,waxaana maanta oo taariikhdu ay tahay 7/Febraayo/2019 lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida ay horey ugu xukuntay.

Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshay cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidaasi darteedna loogu fuliyay dilka.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Dhamme Maxamed Cabdi Muumin ayaa Warbaahinta u Akhriyay Xukunka dilka toogashada ah.

Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo horey xukuno ugu fulisay dhagar qabayaal ka tirsanaa Alshabaab,waxaana u dambeeyey dhagar qabe dhawaan lagu toogtay Baydhabo,kadib markii lagu heley dembi ah in uu nabadoon can ahaa dil u geystay.