Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Oo Xukun Kuriday Dad lagu edeyay in ay katirsanyihin Al-shabaab

Maxkamada Ciidamada Qalabkas ida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xukun ku riday dad lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo ay ku jirto qof haweeney ah.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii  Bishii 4aad  ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Alshabaab, waxaana Ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib   ku wareejiyeen Hey’adaha Baarista, waxa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda ay soo galaan Eedeysanayaasha kale:-

Waris Maxamed Cumar,  Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe.

Hey’adaha Baarista  ayaa intaas kadib u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta weydiistteen Maxkamadda in loo gudbiyo  Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe   si’ ay  u soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha loo soo gudbiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaas kadib sii guda galay baaritaanka eedaha loo heysto Eedeysanayaasha, waxaana eedeysanaha koowaad Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Alshabaab, waxa uu qirtay in uu ku biiray Alshabaab 2015, waxa ay sidoo kale Xafiiska soo cadeeyeen in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow uu kamid ahaa kun dhallinyara ah oo  shaqaalaha Maamulka gobalka Benaadir   kaga soo biiray degmada Howlwadaag xilligaasi oo uu gudbin jiray liiska magacyada ganacsatada ee bixiya adeegyada dowladdu ku leedahay, waxa  ay sidoo kale baaristooda ku ogaadeen in uu Alshabaab u soo qabtay howlaha Jabhadeynta iyo Wardoonka oo uu isaga ku qiray Qiraalkiisa.

Waris Maxamed Cumar ayaa iyada loo heysta in ay aheyd keyd hayaha Hubka Alshabaab sida bam-booyinka gacanta laga tuuro, waxa ay sidoo kale cadeysay in Alsabaab ay ku biirrtay 2011 oo hubka gaar ahaan bambooyinka ay isaga gudbin  jirtay Ceelasha iyo Magaaalada Muqdisho.

Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ayaa iyagana loo heystaa kamid ahaansiyada Al-Shabaab, sidoo kale waxaa loo heystaa in ay u soo dagaalameen Alshabaab gaar ahaan kuwooda jid galeenka ah.

Maxkamadda Ciidamada ayaa iyada kiiskan u Fariisatay laba jeer, Markii hore ayaa aheyd 11 bishii 8aad, waxaana xilligaas garsoorayaasha ay Xafiisak Xeer Ilaalinta ka dalbadeen in ay soo dhameystiraan Cadeymaha kiiska.

27 bishii 8aad ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxaana Xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen, cadeymo ay kamid yihiin nin dhaawac uu horey ugu geystay Maxamed Cabdullahi Maxamed Cadow.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay,  kadib Markii ay dhageysteen Qiraalka Eedeysanayaasha, Doodda dhinacyada Dacwadda ee aheyd muujinta dambiyada loo heysto iyo Qareenada oo ku doodayay in loo fududeeyo  xukunnada maadaama ay kala culusyihiin  shaqooyinka ay ka dhex hayeen Alshabaab, sidaas darteed ayay garsoorayaasha go’aan ku gaareen in eedeysnayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambiga  lagu  soo oogay, waxa ayna ku kala xukuntay Maxkamadda.

Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah

Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay kuwada xukuntay min 1(hal) sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda G/dhaxe Xasan Cabdirxmaan Aadan (Wabiyow).

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.