Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun riday

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhaaaqday xukunka dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayaasha kala ah Dable xoogga C/kariin Muuse Muxudiin, Dable Xoogga Aweys Faarax Maxamuud iyo Dable xoogga Maxamed Cali Maxamuud oo maqane ah.

Raggan ayaa xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida wuxuu ku soo eedeeyay dambiga ah burcadnimo hubeysan iyaga oo tiro Laba jeer ah dhac hubeysan u geystay shirkadda Hormuud,

Raggan ayaa 2-dii bishii June 2018 dhac u geystay laanta shirkadda Hormuud Kaawa-godey ee degmada Wadajir, waxayna ka qaateen lacag dhan 10,874$, sidoo kale 7-dii bishii June 2018 waxay ka dhaceen shirkadda Hormuud laanta KM-13 ee degaanka Garasbaaley 2,000$, iyada oo ciidamada amniga ay ku soo qabteen laced dhan 1,500$ oo qeyb ka ah lacagtii ay dhaceen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad, Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay raggan inay qirteen dambigii lagu soo eedeeyay.

Wuxuu sheegay raggan inay qirteen dambigii lagu soo eedeeyay sidaasi darteedna ay Maxkamadda ku xukuntay inay wada bixiyaan lacagtii ay ka dhaceen shirkadda Hormuud oo dhan 11,354$, in laga saaray ka mid ahaanshaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, in Maxkamadda ay la wareegtay hubkii ay ku fuliyeen falka dhaca ah iyo in Maxkamaddu ay ku xukuntay min Shan sano oo xabsi ciidan ah, cidii aan ku qanacsaneyn xukunka ayuu sheegay Guddoomiye Shuute inay u furun tahay racfaan.