Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay.
Dable Xoogga dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye iyadoo markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa.
Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018.
Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.
Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.