Maxkamada CQS oo maanta Dil toogasho ah ku fulisay Afar askarii oo hore dil u geystay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay afar ka mid ah akarta dowladda Kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasha ah.

Askartan lagu xukunka fuliyay saakay ayaa kala ah: Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsana, Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa, Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar iyo Maxamed Nuur Sheikh Warre oo iyagana ka tirsanaa ciidanka Booliiska.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in dhammaan raggan saakay la toogtay ay horay u dileen saaxiibadooda shaqo wadaagga ay ahaayeen.