Maxkamada Gobolka Banaadir Oo La Horgeynayo Masuul Loo Heysto Musuq Maasuq

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/8/2018-ka,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsi dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa SONNA u sheegay in eedeysanahan oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya qeybta qandaraasyada loo heysto arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta oo ay taariikhdu tahay 13-8-2018,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsiga dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud oo mudo todobaad ah u xirnaa arrimo la xiriirka masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa,” ayuu SONNA u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muuse Macallim Maxamed.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorshe ay kula dagaalameyso arrimaha masuq maasuqa iyo ku takri falka Hantida Qaranka.