Maxkamada Gobolka Galgaduud oo xukun ku riday nin duleedka caabudwaaq dil ugu gaystay qof kale.

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun adag ku ridday gacan ku dhiigle Cabdi Maxamuud Xaashi oo hoary duleedka degmada Caabudwaaq ugu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Xaashi.

Maxkamadeynta ninkan oo ka dhacday isla Caabudwaaq ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Cabdi Maxamuud Xaashi oo kahor hadlay maxkamadda ayaa dhankiisa qirtay inuu dilka gaystay, kaas oo ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Caabudwaaq.

Intaasi kadib garsooraha maxkamadda oo lagu magacaabo Axmed Salaad Kulane ayaa ku dhowaaqay go’aanka, wuxuuna sheegau in dil toogasho ah lagu xukumay Cabdi Maxamuud Xaashi oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay ee Maxamed Cabdi Xaashi.

Ehellada marxuumka oo iyaguna goobta ku sugnaa ayaa soo dhaweeyay xukunka ay ridday maxkamadda gobolka Galgaduud oo ah in la qisaasayo gacan ku dhiiglaha.

Cabdixakiin Axmed Cigaal oo 13 bishaan dilay Wariye Cabdikariim Axmed Bulxan ayay maxkamaddu siisay fursad uu uga warbixiyo dembiga loo heysto, wuxuuna si cad i qirtay in Cabdikariin uu isagu dilay.

Kadib qirashada gacan ku dhiiglaha guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudey ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo ah qisaasta Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan.