Maxkamada gobolkan Banaadir Oo La Soo taagay 7 ruux Oo loo heysto dilkii Axmed Dowlo

Maxkamada gobolkan Banaadir ayaa Maanta waxaa la horkeenay 7 ruux oo ku eedeysan dilkii iyo gubidii Bishii Setember ee sanadkii 2018  Magalada Muqdisho loogu geystay Marxuum la oran jiray Axmed muqtaar Dowlo.

Kiiskaas ayaa loo xiray 7 ruux oo lagu eedeeyey dilka Marxuum Axmed Dowlo, iyada oo sababta loo dilay ahyed in wiil uu Adeer u yahay uu guursaday Gabar ay deris ahaayeen balse reerkeeda ay sheegeen in Gabadhooda uusan u qalmin in uu guursado wiilkaas sabab la xiriirta heyb soocid.

Dilkaas ayaa hadal-heyntiisa waxa ay noqotay mid gaartay guud ahaan Soomaaliya,hayeeshee dhowr bil kadib ay istaagtay,waxaana la ogeyn halka ay ku dambeeyeen wiilka iyo Gabadha la isku diiday oo isla baxsaday.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay go’aan rasmi ah ka gaarto dad loo heysto dilka marxuum Axmed Dowlo oo gaaraya ilaa 7 Ruux.