Maxkamada sare oo u digay dadka Shabaab garsoorka u doonta

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inay jiraan dad Garsoor u doonta deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dad Maxkamadaha dalka dacwado ka yaallaan,isla markaana lagaga guuleystay inay Al-Shabaab garsoor u aadaan sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ognahay inay jiraan dad maxkamadaha ay dacwado ka yaallaan oo halkan lagaga guuleystay,oo dkumiintiyo ben abuur ah wata,dabadeedna si cadaalada dalka u hor-istaagan u taga cadawga,waxaa ku jiro qaarkood aan xirnay oo Xabsiyada ku jira yuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada Sare.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan in ay jiraan dad isku-heysta arrimo ay ka mid yihiin dhulalka,kuwaas oo taga Maxkamadaha Al-Shabaab,hayeeshee dowladda federaalka ay dadkasi u digtay.