Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka amarro dul dhigtay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan Gobolka Gedo, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nidaamka, anshaxa iyo kala dambeynta ciidamada.
Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in amaradan ay la xiriiraan ilaalinta sharciga ciidamada, fulinta waajibaadka shaqo, iyo adkeynta habraacyada ay tahay in ay raacaan saraakiisha iyo ciidanka hoos yimaada. Maxkamadda ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in la dhowro nidaamka iyo kala sarreynta ciidamada, si loo xaqiijiyo hufnaanta howlaha amniga.
Saraakiisha la faray amaradan ayaa lagu wargeliyay in ay si buuxda u fuliyaan awaamiirta ka soo baxday Maxkamadda, isla markaana ay ka fogaadaan fal kasta oo lid ku ah sharciga iyo anshaxa ciidamada. Waxaa sidoo kale la sheegay in cid kasta oo ku xadgudubta awaamiirtan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay jiraan dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha amni darrada ka wada qaar ka mid ah deegaanada Gobolka Gedo, iyadoo la doonayo in la helo ciidan leh anshax, hufnaan iyo isla xisaabtan buuxa.
Ugu dambeyn, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku baaqday in dhammaan saraakiisha iyo askarta ay u hoggaansamaan sharciga, si loo ilaaliyo sumcadda iyo kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabaan ciidamada qalabka sida.