Muqdisho – Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen haweenka ka kala yimid Maamul Goboleedyada dalka iyo haldoorka haweenka Soomaaliyeed, si ay ugala hadlaan doorka haweenka ee nabadaynta, siyaasadda iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in haweenka Soomaaliyeed ay helaan madal ay ku cabbiraan aragtidooda, ku xoojiyaan iskaashiga dhexdooda ah, isla markaana ay si firfircoon uga qeyb qaataan qorsheyaasha horumarinta dalka.
“Waa in aan ku biirnaa miiska go’aan qaadashada” – Warsan Xasan Xagar
Guddoomiye Ku Xigeenka Ururka Haweenka Soomaaliyeed, Marwo Warsan Xasan Xagar, ayaa sheegtay in haweenku aysan dib uga harin siyaasadda dalka, kuna dhiiradaan hoggaan qaadashada.
“Waa in aynu fariisano miiska wadahadalka. Waa in aan dumarka haldoor inoo ah ku garab istaagno sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen ragga, qaybna uga noqdaan hoggaanka dalka,” ayay tiri.
Barbaarinta Caddaaladda iyo Qaybinta Fikradaha: Aragtida Ruqiyo Maxamed
Ruqiyo Maxamed Axmed, oo ka mid ahayd ka qeybgaleyaasha, ayaa xustay in barbaarinta ilmaha iyo abuurista maskax is beddeshay ay tahay furaha bulsho wanaagsan.
“Haddii gabadh walba ilmaheeda ku barbaariso caddaaladda iyo wadaagista fikradaha, wax badan ayay bulshada ka beddelaysaa. Dhibka maanta nagu haya waa kii aan dhalnay iyo kii aan u dhaxnay,” ayay tiri.
“Aqoonta haweenka kor loogu qaado” – Faadumo Aadan Kateela
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Jubaland, Marwo Faadumo Aadan Kateela, ayaa tilmaantay in horumarka haweenku uu ku xiran yahay helitaanka aqoon iyo tababar joogto ah.
“Gabdhuhu waxay u baahan yihiin in kor loo soo qaado, si ay aqoontooda ugu faa’iideeyaan kuwa kale. Waxayna u baahan yihiin aqoon isweydaarsi iyo taageero dhaqaale,” ayay tiri.
Fartuun Cabdisalaan: “Hooyada ayaa dhibta ugu badan wajahda”
Fartuun Cabdisalaan Aadan, Agaasimaha Guud ee Elman Peace oo shirka hoggaaminaysay, ayaa si xooggan u xustay doorka muhiimka ah ee haweenka ku leeyihiin nabadda.
“Haweenka dareenka ay u qabaan nabadda Soomaaliya waxay u hurayaan wax walba. Haddii nabad timaaddo hooyada ayaa faa’iidaysa, haddii dhibaato dhacdana iyada ayaa ugu nugul,” ayay tiri.
Wasaaradda Qoyska: “Idin garab baan u nahay”
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac Goobe, ayaa ballan qaaday taageerada dowladda ee doorka haweenka.
“Wasaarad ahaan waxaannu diyaar u nahay in aan idin garab istaagno howlaha adag ee nabadda, amniga iyo dib u dhiska dalka,” ayuu yiri.
Gunaanad
Kulankan ayaa muujiyey in haweenka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay door muuqda ka qaataan nabadeynta, hoggaanka siyaasadeed iyo dhismaha bulsho horumarsan. Waxaa sidoo kale muuqata baahida loo qabo in la xoojiyo fursadaha ay helaan haweenku, si ay u gaaraan meelaha sare ee go’aan qaadashada dalka.
Naima Said Salah
Wariye – Bilan Media