Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku ridday Sarifle Jaajuus u ahaa Al-Shabaab.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Maxamed Cali Xersi Diirshe oo ay ku xukumay1 5 sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii lagu helay kamid ahaanshiyaha xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa loo soo xiray inuu ka tirsanaa qeybta Jaajuusnimada iyo inuu gacantiisa ku fuliyey Falal agagixisanimo.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ayuu ku lahaa goob uu gabbaad ka dhiganayey oo lagu sarifo lacagaha, isaggoo Khawaarijta uu u gudbin jiray xogaha Ciidanka Muqdisho ka baxa ee ku wajahan Shabeellaha hoose, islamarkaana maraya Wadada Ceelasha Biyaha, tiradooda iyo gaadiidka ay wataan intaba.

Bishii Lixaad sanadii 2022 waxa uu Bomb gacmeed ku tuuray saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo xilligaasi ku sugnaa goob timaha lagu jarto, sidoo kale Goobo kale oo ay kamid yihiin Alnasri 3 iyo Hotel Musdalifo ayuu Bomb ku tuuray.

Falalkaasi argagixisanimo ee uu geystay Maxamed Cali, ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca seddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen Haween.

Hay’adaha amniga oo ku raad-joogay Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa Deeganka Ceelasha biyaha kasoo qabtay taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobankii Bisha Labo iyo Tobnaad ee 2023.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamed Cali Xersi Diirshe 15 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.