Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo fulisay xukun dil ah.

Muqdisho – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa aroornimadii hore ee Saakay Fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday laba eedeysane oo lagu helay dambiyo dilal ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Labada eedeysane oo kala ahaa C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Maaxi/Yoonis) iyo Ibraahim Aadan Maadeey ayaa maxkamaddu horay ugu xukuntay dil kadib markii lagu helay dambiyo ay ka geysteen caasimadda.

Dacwaddooda waxaa horay u dhageystay Maxkamadda Ciidamada, iyadoo Xafiiska Xeer Ilaalintu soo gudbiyey caddeymo, halka qareennada difaaca ay soo bandhigeen doodahooda sharci.
Guddoomiyeyaasha sare ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo goob joog ka ahaa Fagaaraha Tiirka Toogashada ayaa sheegay in fulinta xukunka ay tahay qisaas loo qaaday dadkii lagu dilay falalka eedeysanayaasha.

Maalmihii lasoo dhaafay, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kordhisay fulinta xukunnada dilka ah, iyadoo weli jiraan maxaabiis horay loogu riday xukuno sugaya fulintooda, iyo kuwo kale oo weli dacwadoodu socoto.