Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Saakay Xukun Dil Ah Fulisay

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo horay uga tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Borow,kuwaasi oo dilal iyo qaraxyo ka geystay Magaalada Muqdisho,isla markaana ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed.

Horay ayaa Xukuno dil ah ugu soo rideen heerarka Kala duwan ee Maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida balse Saaka Aroortii hore ayaa lagu toogtay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Muqdisho.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan ka tirsan Alshabaab oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee ahaa dilka toogashada.