Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun riday

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybteeda 60-aad ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa ay xukun dil ah ku ridday labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka qalabka sida qeybta 60aad   Aadan Abuukar ayaa ku dhawaaqay in xukun dil ah Labadaasi Askari lagu xukumay.

Askartaan Maanta dilka lagu xukumay ayaa lagu kala Magacaabi jiray Xuseen Cali Macalin, oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed iyo C/waaxid Cali Sh. Aadan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa lagu eedeeyay in ay dileen qof Shacabka ah, islamarkaana ay u dileen si kas ah.

Ninka ay dileen ayaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Cr/raxmaan oo ay dileen  18-6-2018.