Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun riday

  1. Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday 5 ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Abuukar Cabdi Abiikar (Fanax) oo eedeysanahaa koowaad ayaa ku biiray Al-Shabaab 2008, Eedeysanaha ayaa tababar ku soo qaatay degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud, sidda ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda.

Xaafadda Baar Ismaaciil degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayay Ciidamada Amniga ka soo qabteen, waxaana xilligaas loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada oo shan-sano oo xabsi ciidan ah ku riday balse 2016 oo uu dhammaday xukunka ayuu markale sii waday qorshihiisa Al Shabaabnimo, waxaana ciidamada Amniga ka soo qabteen xaafada Carafaad degmada Yaaqshid markale  isaga iyo koox kale oo  xilligan ay kuwada jiraan gacanta dowladda iyagoo xukunsan.

Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay ka wada tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kale ay ka wada tirsan-yihiin Koox gaar ah  oo ay ula baxeen (jugta Culus)  taas oo  loogu tala galay in ay ku weeraraan fariisimaha Ciidamada amniga ay ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.

Iyadoo ka ambaqaadeyso Nuxurka cadeymaha iyo difaaca qareenada ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee markale ku biiray Al-Shabaab Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane  ee kale ,Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali  ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute uu ku dhawaaqay.