Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Oo Xukun Riday

Waxaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay xukun 5 ku riday 18 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga kuwaas oo dhawaan uu tababar uu usoo xiray Ra”isul-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

18 Askari ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxa ay ku xukuntay  min shan sano oo xabsi ciidan ah,Askarta la xakumay waxa ay qayb ka ahaayeen dhalinyaradii tababrka loo bilaabay kadib markii uu dhacay qaraxii waynaa ee 14-kii Octobar ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Waxa loogu magic daray askartaan 14-ka Octoobar waxaana tababar u soo xiray Ra”isul-wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ka gadaal markii ay dhamaysteen Taba-barka,Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Ciidamadaan waxa uu ku soo eedeeyay inay qalqal ka dhex abuureen Guutada dhexdeeda, la safasho qabiil iyo arrimo kale, waxaana ugu dambeyn maanta lagu riday xukun xabsi ciidan ah 18-kan Askari.