Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cal.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Maxkamadda oo kiiskan ka yeelatay saddex fadhi oo kala duwan ayaa ayiday xukunka maxkamadda darajada koowaad ee gobolka, waxayna Sayid-Cali ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Luul, sida uu caddeeyay guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Mudane Saciid Cali Maxamed.

Inta ay socotay Maxkamadeynta ninkan oo muddo dheer qaadatay ayaa la keenay marqaatiyeyaal iyo dhaqaatiirta isbitaallada la geeyay Luul, kahor inta aysan geeriyoon, kuwaas oo xog ka bixiyay kiiskan xasaasiga ah.

Ehellada labada dhinac ayaa sidoo kale goojoog ahaa ku dhowaaqista go’aankan, sida Aabe Cabdicasiis oo muddo dheer dalbanayay cadaalad iyo in loo qisaaso Sayid-Cali Macallin oo mar kale ay maanta dil ku xukuntay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Si kastaba, Xukunkan ayaa waxaa si aad ah usoo dhaweeyay ehellada Luul iyo dadka Soomaaliyeed oo intooda badan si dhow ula socday falka arxan darrada ah ee lagu gubay marxuumadda oo korineysay carruur agoon ah.