Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo sii deysay sarkaal xigeen loo heystay dilka askari

Ciidamamada Danab oo ah kuwa si gaar ah u fuliyay howlgallada lagula dagaalamayo Al Shabaab ayaa iyaga oo fulinaya mid ka mid ah howlo qorsheysan oo ay ku raad joogeen sarkaal ka tirsan Shabaab, waxa ay la kulmeen Cali Cismaan Ibraahim (Sankubaay) oo ka tirsan ciiamada Boliska Soomaaliyeed kedib markii ay gafeen u jeedka halka ay u socdeen.

Intaas kedib isfahan waa soo kala dhex galay ayaa sababay in is rasaa-seyn ay dhexmarto ciidamadii waday howlgallada qorsheysan iyo sarkaal xigeenkan ka tirsan Ciidamada Booliiska waxa ayna sababtay dhimashada mid ka mid ah ciidamadii howlgallada waday iyo dhaawaca sarkaal xigeenkan ay maxkamadda sii deysay.

Arrintaas kadib ayaa xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida waxa soo gaaray kiiska la xiriira dhacdadan isgafka ku timid ee u dhaxeysay ciidamada, waxaana fadhiyo maxkamadeyd iyo doodo dheer kedib horey Maxkamadda D, 1-aad  ugu xukuntay sarkaal xigeenkan in la siiyo xurriyadiisa islamarkaana taliska Ciidanka xoogga dalka uu bixiyo magte askarigii ku dhintay isku dhacaasi.

ntaas kedib ayaa qareenka u dooday askariga geeriyooday ehelkiisa waxa ay qaateen rafcaan iyagoo ku doodaya in aysan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda D, 1-aad ay horay u riday taariikhdu markey aheyd 04/02/2018.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbashay rafcaanka Maxkamadda D,1-aad laga soo qaatay, waxa ayna ugu dambeyn go’aaka ku gaareen Garsoorayaasha Maxkamadda Sare in taliska Ciidanka Xoogga dalka uu bixiyo Diyada Marxuumka oo ah 50-halaad oo geel ah oo ah Megta Isha sarkaal xigeenka iyo 5-kun oo Dollar oo lagu qiimeeyay bur-bur hantiyadeed iyo dhaawac jirka kale.

Sidoo kale Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka side amar ku bixisay K/L Bol. 4225 Cali Cismaan Ibraahim (Sankubaayo) si deg-deg ah xabsiga looga siidaayo hadii uusan u xirneyn Dembi kale, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda ka qeyb galayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida S/guuto Liibaan Cali Yarow.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ah meesha ugu dambeysa ee go’aan looga gaaro kiisaska horey ay u soo xukumeen Maxkamadda D, 1-aad.