Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Mudane Siciid Maxamed Cali, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray la-tashiga garsooreyaasha ee ku saabsan Dastuurka lagu dhisayo Ururka Garsooreyaasha Soomaaliya.
Kulankan oo muhiim u ah geeddi-socodka dhismaha ururka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa hannaan mideysan oo ay garsooreyaasha Soomaaliyeed ku yeeshaan hay’ad metesha danahooda xirfadeed, korna u qaadda aqoontooda, khibraddooda iyo tayada shaqada garsoorka.
Dhismaha Ururka Garsooreyaasha Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta garsooreyaasha ka howlgala dhammaan gobollada dalka, iyadoo ururku uu fursad u abuuri doono in garsooreyaashu ay si joogto ah u yeeshaan is-dhaafsi aqooneed iyo khibradeed.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in ururka la dhisayo uu door muuqda ka qaadan doono horumarinta aqoonta iyo xirfadaha garsooreyaasha, iyadoo la qaban doono barnaamijyo aqoon-kororsi, tababbarro iyo kulamo lagu is-dhaafsado waayo-aragnimada la xiriirta shaqada garsoorka.
Waxa uu sidoo kale xusay in wada-shaqeynta garsooreyaasha iyo mideynta dadaalladooda ay muhiim u yihiin horumarinta nidaamka caddaaladda Soomaaliya, gaar ahaan xilli dalka uu ku howlan yahay xoojinta hay’adaha garsoorka iyo sare u qaadista adeegyada caddaaladda.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in garsooreyaashu yeeshaan hay’ad si rasmi ah u metesha danahooda xirfadeed, isla markaana ka shaqeysa horumarinta iyo tayeynta aqoonta iyo xirfadaha garsooreyaasha.
Waxa uu sheegay in urur xirfadeed oo awood leh uu kaalin ka qaadan karo in garsooreyaashu helaan fursado ay ku kobciyaan aqoontooda, isku dhaafsadaan waayo-aragnimadooda, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta hannaanka caddaaladda.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta hufnaanta iyo madaxbannaanida garsoorka, iyadoo la adkeeyay in garsoor madaxbannaan oo hufan uu saldhig u yahay helitaanka caddaalad loo siman yahay iyo kalsoonida bulshada.
Ururka Garsooreyaasha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu noqdo madal ay garsooreyaashu ku yeeshaan wada-tashi joogto ah, aqoon-is-weydaarsi iyo is-dhaafsi khibradeed, taas oo gacan ka geysan karta horumarinta xirfadda garsoorka iyo tayeynta adeegyada caddaaladda ee dalka.
La-tashiga maanta la daahfuray ayaa sidoo kale fursad u siinaya garsooreyaasha in ay fikrado iyo talooyin ku biiriyaan Dastuurka lagu dhisayo ururka, si loo hubiyo in qaab-dhismeedka iyo hannaanka shaqo ee ururku uu noqdo mid waafaqsan baahiyaha iyo danaha xirfadeed ee garsooreyaasha Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa tilmaamay in Ururka Garsooreyaasha Soomaaliya uu la jaanqaadi doono ururrada dhiggiisa ah ee heer gobol, qaaradeed iyo caalami, taas oo u sahli karta garsooreyaasha Soomaaliyeed inay yeeshaan xiriirro xirfadeed oo ballaaran.
Waxa uu sheegay in ururku uu xiriir joogto ah la yeelan doono ururrada garsooreyaasha ee Bariga Afrika, Midowga Afrika iyo ururrada garsooreyaasha ee heer caalami, gaar ahaan dhinacyada aqoon-is-weydaarsiga, tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta madaxbannaanida garsoorka.
Xiriirradaas ayaa sidoo kale muhiim u noqon kara in garsooreyaasha Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan waayo-aragnimada iyo aqoonta laga helay dalalka kale, isla markaana ay soo bandhigaan khibradda iyo horumarka Soomaaliya ka sameyneyso dhanka garsoorka.
Dhismaha Ururka Garsooreyaasha Soomaaliya ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha garsoorka dalka, iyadoo la rajeynayo in ururku uu gacan ka geysto tayeynta garsooreyaasha, xoojinta wada-shaqeynta xirfadeed iyo sare u qaadista hufnaanta nidaamka caddaaladda.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku boorriyay garsooreyaasha inay si firfircoon uga qeyb qaataan la-tashiyada ku saabsan Dastuurka ururka, si loo dhiso hay’ad xirfadeed oo leh hannaan cad, awood shaqo iyo xiriir wanaagsan oo heer qaran, gobol iyo caalami ah.
Waxaa la filayaa in geeddi-socodka la-tashiyada iyo dhismaha Ururka Garsooreyaasha Soomaaliya uu horseedo xoojinta doorka garsooreyaasha, horumarinta aqoontooda iyo xirfadahooda, iyo in bulshada Soomaaliyeed ay mustaqbalka hesho nidaam garsoor oo sii kobcaya, hufan, madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo.