Maxkmad Trump Ka Mamnuucdey Doorashada Gobol kamid ah Dalka Maraykanka…

Maxkamadda Sare ee gobolka Colorado ee dalka Mareykanka ayaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ka mamnuucday cod-bixinta doorashooyinka horudhaca ah ee xisbiyada ee gobolka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Trump uusan u qalmin inuu madaxweyne noqdo kadib doorkii uu ku lahaa dhacdadii bishii January 6-deedii ee sanadkii 2021 ay taageerayaashiisa ku galeen kuna qabsadeen xarunta baarlamaanka Maraykanka ee Capitol Hill.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa dhaleeceen kala kulmay madaxda dalka iyo Siyaasiyiinta ka dib falkii ay ku kaceen taageerayaashiisa ee ku qaadaceen doorashada looga guuleystay.

Go’aankaan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee gobolka Colorado ee dalka Mareykanka ayaan la ogeyn sida uu ku aqbali doona balse wararka qaar ayaa tibaaxaya in ay suuragal tahau in uu ka qaato Racfaan