Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay haweeney loo haysto inay dil bareer u gaysatay seygeeda iyo askari isna dil ka gaystay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Haweeneydaan oo lagu magacaabo Hodan Diiriye Xuseen Cabdulle, isla markaana ah20 jir ayaa kasoo muuqatay Maxkamadda oo dhageystiga kiiskeeda ka billowday Beledxaawo.
Hodan ayaa dishay seygeeda oo lagu magacaabay jiray Marxuum Aadan Cali Aadan Cali oo 30 jir ahaa, sida uu sheegay guddoonka Maxkamadda oo akhriyay eedeedda.
Dilka ayaa yimid kadib muran soo kala dhex-galay marxuumka iyo Hodan oo Maxkamadda ka hor sameysay qiraal ku aadan dhacdadaasi.
“Way jirtaa laakiin dood sharci ah ayaan ka qabaa” ayay tiri Hodan Diiriye Xuseen oo ka hor hadleysay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
“Baarista waxaa iiga soo baxay inay marxuumka gacanteeda ku dishay Hodan Diiriye Xuseen Cabdulle” ayuu isna yiri baaraha kiiska.
Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa Maxkamadda ka codsaday inay u naxariisto, dibna ugu celiso xorriyaddooda.
Ugu dambeyn guddoonka Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonaan, sidaasna uu ku xiran yahay dhageysiga kiiska labada eedeysane.