Maxuu Yahay Hishiiska kale ee dowlada Soomaaliya gashay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale heshiis cusub oo dhanka milatariga ah la gashay dowladda Qatar, ayada oo shalay golaha wasiirad aiyo baarlamaanka ay ansixiyeen heshiis difaac oo lala soo galay dowladda dalka Turkiga.

Heshiiskan waxaa Soomaaliya usoo saxiixay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyidiin oo dhiggiisa Qatar, Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, kula kulmay magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashigooda dhanka ciidamada iyo sidoo kale sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah ee waxtarka u leh labada dal.

Waxaa kale oo ay labada taliye os dhaafsadeen  caqabadaha ka jira amniga gobolka iyo sahminta fursadaha wadajirka ah si wax looga qabto caqabadaha ay wadaagaan labada dal.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda istiraatiijiyadeed iyo kobcinta kalsoonida labada dhinac.

Dowladda Federaalka ayaa haatan dadaal xoogan ku bixineysa dib u dhiska ciidanka iyo difaaca dalka, maadaama xiisada cusub ay kasoo korortay badda, kadib heshiiskii ay Addis Ababa ku gaareen madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.