Maydka Muwaadin Soomaaliyeed oo laga helay Goob laga raaco Tareenada oo ku taala magaalada Marburg ee dalka Jarmalka.

 Warar dheeraad ah ayaa kazoo baxay meydka muwaadin Soomaaliyeed oo laga helay goob laga raaco Tareenada oo ku taala magaalada Marburg ee dalka Jarmalka.

Muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Saxardiid ayaa la xusay inuu jiiray Tareen, balse waxaa la kala ogeyn inuu tareenka isku dhigay iyo inuu si caadi ah u jiiray shil ahaan.

Shacabka magaalada Marburg gaar ahaan aaga lag raaco tareenada ayaa ku wargeliyay booliska meydka muwaadinkan waxa uuna booliisku halkaasi uu wadaa baaritaano la xiriirta waxa sababay geerida marxuumkaan  Soomaaliga ah.

Marxuum Saxardiid ayaa kamid ahaa dadka magan galyo doonka ah ee dhawaan galay dalkaasi, waxeyna booliska tageen halka uu ku noolaa, iyagoo su’aalo weydiiyay dadkii ay aqoonta isu lahaayeen.

Dalka Jarmalka ayaa Soomaalida ku nool waxaa lagu qiyaasaa iney gaarayaan ilaa 60 kun oo qof sida ay muuinayaan tirakoobyo qiyaas ah oo laga sameeyey dalkaasi.