Maydka Nin kamid ahaa hay,adda duulista soomaaliya oo laga qaaday muqdisho.

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho diyaarad looga qaaday maydka gaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Muuse Dahable oo 18-ka bishan meydkiisa laga helay gurigii oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud, gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

Marxuumka ayaa loo duuliyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaas oo ay dagan yihiin ehelladiisa, si loogu aaso.

Xildhibaano ka tirsan labada gole oo deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi iyo mas’uuliyiin kale ayaa maydka marxuumka kusii sagootiyay garoonka Muqdisho.

Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa.

Sidoo kale wuxuu dilkiisu sii xoojiyay xiisadda haatan u dhexeysa dowladda federaalka iyo Somaliland oo isku hayay arrinta maamulka hawada ee dalka.

Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hada Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.