Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa oo ku sugan jiidda hore ee uu ka socdo howlgalka lagu sifeynayo AS ayaa bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka, Dawaariishta Galmudug iyo kuwa deegaanka oo maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-lahelay.
Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa halka ay howlgaladu ka socdaan ayaa had iyo goor u taagan dhiiragelinta iyo bogaadinta ciidamada qalabka sida.
Madaxwynaha ayaa sidoo kale hoggaaminaya dardargelinta ololaha ka dhanka argagaxisada Khawaajirta ah ee looga xoreynayo deegaannada ay kaga suganyihiin Galmudug.