MD hirshabeele oo gaaray balcad.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo wafdi uu hoggaaminayey oo oo goordhaweed gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xariga ka jaray garoonka kubbadda cagta ee Dr. Ayuub Jeenyo oo si casri loo dhisay iyo mashaariic kale oo laga hirgaliyey gudaha degmadaas.
Socdaalka madaxweyne Cali Guudlaawe uu ku tagay degmada Balcad waxaa ku wehlinayay Xildhibaan Cusmaan Xaadoolle, xubno katirsan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka Hirshabeelle iyo masuuliyiin kale.