MD Xasan Sheekh oo gaaray Asmara iyo Eritrea oo shaacisay xogta safarka Madaxweynaha..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Asmara dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Villa Somalia ayaa ujeeddada safarka ku sheegtay mid shaqo, balse kama aysan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara kusoo dhoweeyey dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, waxaana kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada. Dowladda Eritrea ayaa sheegtay in madaxweynaha uu Asmara ku sugnaan doono laba maalin.

Safarka ayaa imanaya ayada oo xiisad xooggan ay ka dhex-oogan tahay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii Addis-Ababa ay heshiis is-afagarad oo muran dhaliyey ay la saxiixatay Somaliland.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya, ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli Itoobiya ma xaqiijin inay ballan-qaaday aqoonsi.

Soomaaliya ayaa si xooggan uga hortimid is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya, waxayna u yeeratay safiirkeeda Addis-Ababa.

Madaxweyne Xasan ayaa tan iyo markaas raadinayay taageearada waddamada gobolka iyo caalamka, isaga oo la xiriiray madaxweynayaasha Masar, Turkiga iyo Amiirka Qatar.

Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF.