MD Xasan Sheikh oo Diidey La Kulan RW Itoobiya Abiye.

Dowladda Itoobiya ayaa ka maquuratay ka qeyb-galka shir madaxeedka dalalka IGAD oo qorshuhu yahay in maalinta berri ah uu ka furmo dalka Uganda.

Shirkaas oo uu iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha urur-goboleedka IGAD, ayaa markaas ku baaqay in shir deg-deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Itoobiya oo ka meer-meeraysanaysa inay ka soo qeyb-gasho shirkaasi ayaa warqad ay u dirtay IGAD ku marmarsiyootay in jadwalkeeda booqashooyinka ee maalmaha shirka uu yahay mid buuxa, oo aysan suurta-gal aheyn xilligaan ka qeyb-galka shirka.

Xasan ayaa diiday kulankaasi gaarka ah, maadaama uu aaminsan yahay in Soomaaliya ay doodeeda soo saarato miis loo wada jeedo, halka Itoobiya la fahamsan yahay in aysan hayn dood maangal ah oo miiska keento, maadaama ay ku kacday gef weyn oo ay ku xad-gudubtay midnimadii iyo madax-bannaanidii Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa illaa hadda ka dhuumanaya inuu si shaac ah uga hadlo duullaanka tooska ah ee uu kusoo qaaday biyaha Soomaaliya iyo heshiis beenaadkii Addis Ababa ee Somaliland.

Shirka loo madlan yahay 18-ka bishaan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, ayada oo dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.