MD Xasan Sheikh Oo Gaaray Dalka Imaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shir ku saabsanaa Amniga Soomaaliya.

Shirkaas waxaa kasoo qeyb galay dalalka sida dhow dhanka ammaanka uga taageera Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in wixii dadaal la sameeyey uu khasaari doono hadii aan la ixtiraamin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii tagay waxay sidaan oo kale ku qabatay xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York Shir weyn oo looga hadlay Amniga Soomaaliya.