MD Xasan sheikh oo gudaha u galay markab dagaal.

Dekedda wayn ee magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray markabka ciidanka badda Turkiga ee TCG Kınalıada (F-514), kaas oo ka qayb qaadan doono difaaca xeebaha dalkeena Soomaaliya, kadib heshiiskii Muqdisho iyo Ankara.

Munaasabad ballaaran oo lagu daah-furayo dhaqan-galka heshiiskan ayaa hadda ka socota dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galaya munaasabaddan taariikhiga ah ayaa gudaha  u galay markabka dagaal ee soo gaaray Muqdisho, ayna la socdaan ciidanka badda Turkey.

Sidoo kale  heshiiskan ayaa fursan u siinayo Soomaaliya ka faa’iideysiga khayraadka sida kalluunka iyo shidaalka, waxaa intaa dheer dhismaha iyo qalabeynta ciidanka badda Soomaaliya.

Tallaabadan milatari ayaa kusoo aaday, xilli ay halkeedii tahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee ay ka carootay dowladda federaalka.

10 sano ayuu sii joogayaa Soomaaliya howlgalka Turkiga ee loo saxiixay ilaalada xeebaha Soomaaliya, mudadaas waxay dowladda Soomaaliya ku dhisa doontaa ciidanka badda, sidoo kale waxay ku soo saari doontaa shidaalka dalka.